DHAGEYSO:Wasiir Maanta Ku Dhawaaqay Inuu Casilayo Haduu Shilin Soomaali…

Waxaa Soomaaliya Muddo fog gabaabsi ka ahaa Lacagta Shillin Soomaaliga oo iyadoo duug ah meelaha qaar laga isticmaalo.

Dawlada Soomaaliya ayaa waxay Sanadkii hore 2018 waxay ballan qaaday inay Lacag Cusub oo Shillimaad leh ay soo daabaceyso balse weli kama soo naaso cadaan sidii la filayey.

Wasiirka Maaliyada HirShabelle Maxamed Cabdulle Dheere ayaa maanta Magaalada B/weyne ka sheegay inay dhibta Lacagta Shillin Soomaaliga rajeynayo in laga bixi doono.

Waxa uu Wasiirku ku wacad maray hadii uu Lacagta Soomaaliga B/weyne kusoo celin waayo uu is casili doono,kuna darso oo Magaaladaasi muddo Lacag Soomaali lagama isticmaalo.

Inta badan Soomaaliya waxa dadku ay isticmaalaan Lacagta Mobile Money ama si kale hadaan udhigno Mobilada Lagu qaato EVC lagu adeegto,Raashin lagu cuno oo gaadiid lagu raaco.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com