Dhageyso:MD Xaaf oo si aan hore loogu aqoon afka u furtay xog culusna shaaca ka qaaday oo kusaabsan…

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Axmed Madoobe) ayaa waxa uu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada garowe ka hor inta uusan udhoofin oo Diyaarad ay Nairobi u ambabaxin.

Xaaf ayaa soo bandhigay in dalka uu haandaan kasii dhacayo hadii aan la bad baadina ay halis ku tahay Dalka iyo Dadka.

Waxa uu Madaxweyne Xaaf sheegay in Shirkii Garowe uu noqday Mid fashil kusoo dhamaaday sidaa awgeedna ay Dawlada diiday inay wax tabashada Maamul Gobolleedyada ka jawaabto.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa hoosta ka xariiqay inay Dawlada ka dhaadhicin waayeen Maqaamka Muqdisho inay cadeyso oo Shacab badan dul man yihiin Xaqoodana lasiinin.

Waxa uu Hogaamiyaha Galmudug sheegay in Sagaashameeyadii Dalka siduu ahaa ka fiicnaa Xaalada hadda lagu jiro uu saluug dhinacyo badan ah muujiyey.

Ugu dambeyn waxa uu xusay inay Qodobada Sharciga Doorashooyinka iyo Xeerka Shidaalka ay ahaayeen waxa la isku mari waayey ee keenay in shirka lagu kala tego.

Waxa uu sidoo kale Sheegay in Suuqa Bakaaraha ay Shabaab Canshuur ka qaataan,islamarkaana Maxkamadaha Shabaab ay Xamar weyne ku yaallaan sida uu warka udhigay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com