DHAGEYSO: Xildhibaan Sir Culus Ka Bixiyey Khilaafka Xaaf & Farmaajo

Xilli Xurguf Siyaasadeed ay ka dhex taagan tahay weli Dawlada Federaalka iyo Maamul Gobolleedka Galmudug ayaa waxa hadana jira Siyaasiyiin ku baaqaya in aan laga shaqeyn duminta Galmudug oo dhib badan laga soo maray Dhismaheeda.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Madaxda Dawlada Dhexe ayaa isku fahmi waayey in Doorasho ay dhacdo Bilo kadib,taas uu Axmed Xaaf diiday.

Dhawaan waxa Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ay soo saartay Habraaca Doorashada Dawlad gobolleedyada oo si gaar ah ay Fariintani ugu socotay Maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

Xildhibaan C/risaaq Sheekh Maxamed (Ilka Dahab) oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Dano siyaasadeed ay hor taagan tahay Hormarinta Galmudug.

Waxa uu wadajir u Eedeeyey Dawlada federaalka iyo Hogaanka Galmudug,isagoo sheegay in laga wada shaqeeyey Khilaafka islamarkaana dib ay udhigtay Galmudug inay kici weydo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com