DHAGEYSO: Wasiir Khadiija Oo Maanta Meel Ku dhaw Madaxtooyada Ka…

Diyaar garoow ballaaran ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho oo loogu jiro fantasiyaha Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee 15 May.

Waa maalin mug iyo miisaan ku leh Dalka iyo dadka Soomaaliyeed,waxaana lasoo sheegayaa in meelo kala duwan Oo Dalka iyo dibadiisa Xaflado ka dhici doonaan.

Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxay ka qeyb qaadanayaan hagaajinta iyo Ololaha Nadaafadeed goobaha loo iclaamiyey in Xuskaasi lagu qabto.

Ururada Dhalinyaro Ee Magaalada Muqdisho ka jira iyo Kan Ururka Dhalinyarada Qaranka ayaa waxay yihiin kuwo howshaasi dhexda u xirtay.

Leer ayaa lagu bukaacin doonaa Habeenka ay 15 May ku began tahay Xarunta Taallada S.Y.L Ee Ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya,si loo xasuusto Halgamayaashii Dhalinyarada 13-kii S.Y.L.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay Taallada S.Y.L oo Bilic soo celin ka socotay maanta waxay sheegtay inay umahad celineyso cid walbo oo ololahaan diyaar garoowga ka qeyb qaadaneysa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com