Dhageyso: Taabit Cabdi oo war kasoo saaray go’aankii ay DF ku joojisay imtixaanaadka

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay Go’aankii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu ku joojiyey Imtixaankii socday iyo banaanbaxyadii ay dhigeen Ardayda.

Taabit Cabdi, oo hadda ah Hoggaamiyaha Xisbiga Awooda Shacabka, waxa uu sheegay in nasiibdarro ay tahay waxa ku dhacay Ardayda Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka Berito ee dalka.

Taabit ayaa sheegay inuu rajaynayo in Wasaaradda Waxbarashada, Ardayda iyo Waalidiinta ay isku ragti ka noqdaan Imtixaanka, isla markaana muranka jira laga gudbo.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay tahay waajib saaran qof walba oo Soomaali ah in uu dhageysto cabashada ardayda Soomaaliyeed loona baahan yahay in loo dabacsanaado, si wadajir iyo wadashaqeyn looga gudbo wixii dhacay.

Go’aankii habeen ka hor Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada uu ku joojiyey imtixaankii fasalka 12aad ee shahaadiga ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ay dhigeen Ardayda Soomalaiyeed badankood iyo go’aano ay qaateen Maamulada qaar ee dalka ka jira.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com