Dhageyso” Sarkaal loo haysto gabood fallo ka dhacay dawlad deegaanka Soomaalida oo xabsiga loo taxaabay.

Mas’uuliyiinta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa u xaqiijiyey idaacadda VOA in la qabtay nin horey madax uga soo ahaan jiray xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadeen oo ay ka dhaceen xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamka sida ay diiwanageliyeen hay’adaha xuquuqda aadanuhu.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Xasan Axmed Ibraahim “Xasan Dheere” waxaana la sheegay inay xalay qabteen ciidamada amniga ee Puntland.

Mas’uul u hadlay maamulka Soomaalida ayaa VOA u sheegay in ninkaasi haatan loo dhaadhiciyey magaalada Jigjiga, uuna xiran yahay.

halkaan ka dhageyso wareysii xiiso badan oo ku saabsan xarika sarkaalkan 



Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com