DHAGEYSO: DF oo Xabsiga dhigtay Shaqsiyaad lala xiriirinayo Musuqa Imtixaanaadka

Kadib markii ay soo baxday in la musuq maasuqay,isla markaana Baraha Bulshada lagu faafiyey Imtixaanka dowladda oo ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa Wasiir goodax waxa uu ku dhawaaqay in gebi ahaanba Imtixaankii socday in la baabi’iyey.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Imtixaanka,iyada oo lagu guda jiro Bisha Ramadaan ay dad kala iibsadeen,hayeeshee uu sheegay in arrinmtaasi dad badan loo xiray,kuwo kalena ay ku raad joogaan laamaha Amniga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre mashaacin tirada dadka loo xir xiray falkaasi,hayeeshee uu sheegay in dhawaan tallaabo laga qaadi doono,isaga oo sheegay in qishka Imtixaanka laga dhiibay goobo ka baxsan Magalada Muqdisho.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Baraha bulshada waxaa lagu faafinayay maadooyin ka mid ah Imtixaanka ay qaadeysay Wasaaradda Waxbrashada Soomaaliya taas oo keentay in gebi ahaanba imtixaankii la joojiyo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com