Xog:Goobo shacabka Muqdisho u badanyihiin oo la Ogaaday in qaraxyo waa weyn kadhici donaan

Mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha amniga Soomaaliya ayaa shaqsiyaad gaar ah la wadaagay digniin dhanka amniga iyo warbixin sheegaysa in weeraro ka dhici karaan magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintaan ayaa warbixinta u gudbiyay maamulka Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Ururka Haweenka Qaranka waxayna u sheegeen in ay soo gaartay warbixin sheegeysa in Al-shabaab ay damacsan yihiin in ay soo weeraraan dhismaha Guriga Hooyooyinka.
Xubnahaan katirsan hey’adaha amniga ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka baaqatay ama ay ku adkaatay in mar hore ay soo weeraraan dhismaha Hooyooyinka sida lagu ogaaday xog la helay balse ay hada dib isu abaabuleen.
Badweyn Online ayaa ogaatay in masuuliyiinta amniga ay u sheegeen Saraakiisha Booliiska iyo Milateriga Koofiya Casta in laba gaari oo qaraxyo wada ay Muqdisho ku jiraan.
Labada Gawaari ayaa mid kamid ah lagu sheegay in uu yahay nuuca waawayn ee Xamuulka qaada, halka kan kalane lagu sheegay gaari yar oo nuuca raaxada ah.
Hore ayaa sidaan oo kale loo soo saaray digniin iyo cabsi laga qabo in la soo weeraro dhismaha Guriga Hooyooyinka waxaana maalmo kadib digniintaasi la wareeray Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com