Soomaaliya oo ku guuleysatay Inay hogaanka Uqabato dalalka La,isku yiraahdo Bariga Afrika

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Midowga Afrika ee loo yaqaano (African Union)  dhinanacyada kaabayaasha dhaqaalaha sida Tamarta,Biyaha,Gaadiidka , Macluumaadka
Farsamada iyo Isgaarsiinta.

Kursigaas waxaa soomaaliya kula tartamayay dowladda Kenya, Wadamada Jabuuti,Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan ayaana cadeeyay mowqifkooda ku aadan taageerada ku guuleysiga Kursiga ay Soomaaliya kaga guuleysatay dhigeeda Kenya ayagoo balan qaaday in ay Guddomiyaha cusub ula shaqayn doonaan sidhow.

Dalalka la isku yiraahdo Bariga Africa oo kooban 13 dal ayaa waxa ay xaq u leeyihiin in ay hal kursi oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad uu ku matalo Midowga Africa (African Union).

Dowladda Itoobiya ayaa horay ugu fadhin jirtay kursigaan markii uu dhamaaday mudo xileedkiina waxaa la soo bandhigay in loo tartamo cidii kale ee u tartameysa si ay u matasho wadamada kale ee Bariga Africa.

Wadamo badan oo u loolamay qabashada xilkaan ayaa ugu danbeyntii waxaa is ku sooharay Kenya iyo Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina Soomaaliya ayaa ku guuleysatay waxayna sidaasi ku noqotay Hogaanka dalalka African Union ee dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha.

Guushaan ayaa soomaaliya kaga dhigan fursad muhiim ah oo ay kaga soo muuqa karto Siyaasada Caalamka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com