Shil Gaari Oo Qasaara Nafeed Geystay Oo Kadhacay Somaliland

Wararkii ugu dambeeyey ee badweyntimes helayso ayaa  sheegaya in ugu yaraan 3 ruux ay ku dhinteen shil ka dhacay deegaanka Dacar-budhuq ee Gobolka Maroodi-jeex ee maamulka somailand.

Saddexdaan marxuun oo ka koobnaa 2 rag ah iyo qof dumar ah ayaa la sheegay inay geeriyoodeen kadib markii uu la dhacay gaari nooca Duqaanta loo yaqaan ah oo marayey dooxa Dacar Buluq.

Inkastoo aan weli la aqoonsan dadkaasi ayaa haddana waxaa goor dhoweyd la dhigay xarun caafimaad oo kutaal deegaanka Dacar Buluq, waxaana laamaha caafimaadku sheegeen inay baarayaan xogtooda.

Lama oga halka ay ku jeedeen marxuumiintaasi iyo sababta keentay inuu shil galo gaariga ay wateen waxaase lafilayaa in laamaha ammaanka waddooyinka maamulka Somaliland ay war ka soo saaraan baaritaan kadib.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com