Shil Gaari Oo Qasaara Nafeed Gaystay Oo Kadhacay Duleedka Garoowe Iyo warar Sheegaya In

Cisbitalka guud ee magaalada Garoowe ayaa waxaa weli lagu dabiibayaa qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay deegaamo hoosyimaada degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Gudoomiyaha deegaanka Dalsan ee gobolka Nugaal Siciid Maxamed Siciid ayaa sheegay in gaariga shilka galay uu siday 5 ruux  oo ka kooban 4 qof oo walaalo ah iyo hooyadood oo ay ka keeneen degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaasoo lagu soo kabay, kadib markii ay jabtay.

Qoyskan ayaa shilka galay, xilli ay ku socdeen magaalada Garoowe, kadib markii uu laamiga kala baxay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen, waxaana halkaasi ku dhaawacmay  hooyadii carruurta dhashay iyo hal gabar, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha Dalsan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com