Sheekh Shaakir” isla xisaabtanka Galmudug waa in uu gaaraa Saacadaan goormee gadatay.

Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamad Shaakir Cali Xasan ayaa maanta Kormeeray Xafiisyada Hanti Dhowrka Guud ee Galmudug iyo Sidoo kale kan Xisaabiyaha Guud ee Galmudug.

 

Sheekh Maxamed Shaakir Madaxa Xukumadda Galmudug ayaa Hanti dhowraha iyo xisaabiyaha guud kula dardaarmay in ay kordhiyaan laxisaab tanka hayadaha kala duwan ee Galmudug

 

Sheekh shaakir ayaa sheegay in loo baahanyahey la xisaabtanka hay’adaha Maamulka gaarahaan xukumada oo sheegay in ay tahey hay’adda qabanaysa shaqa ugu badan ee maamulka ayna u baahantahey isla xisaabtan dhab ah

 

“Waxaa loo baahanyahey in lagu ilaaliyo waxa soo galay waa in ay gaartaa ilaalinta la ilaalinayo waxaan xagee ka yimaadeen,xageebaa ka heshay wasiir,Saacadaan ma aadan wada jirine goormee gadatay ,lacagta aad ku soo gadatay xagee kaa soo gashey gaarigaan ma aadan lahayne xageebuu kaa soo galay hantida guud ee ay leedahey Galmudug” ayuu yiri Sheekh Shaakir oo ladlayay Hantidhowrka iyo Xisaabiyaha guud ee Galmudug.

 

Kormeerka Madaxa Xukumadda Galmudug uu ku kormeerayay Xafiisyadaan Waxaa Ku wehlinaayay Wasiirka howlaha guud iyo Guriyeynta Maamulka Galmudug.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com