Sawirro DHAGEYSO:Madaxweyne Farmaajo oo u hanjabay Banaanbaxayeyaashii Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Hanjabaad u diray dhalinyaraddii maanta banaanbaxyadda ka sameeyay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo la hadlaayay Haween iyo Carruur la isku keenay  xarunta degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin wax banaanbax ah oo sharci daro ah, islamarkaana la doonaayo in lagu burburiyo dalka.

Waxaa uu digniin iyo Hanjabaad u diray dadka Banaanbaxyadda sameeya, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ka qaadi doonto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Cidkaste oo dowladda kasoo horjeedda ay la dagaallami doonto.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com