Odayaal Dhaqameed Heshiis Lafuray Al-shabaab Kadib Markii Ay (AKHRISO)

Wararka aan kahelayno magaalada Mandheera ee xuduuda dalka Kenya ayaa sheegaya in odayaal Soomaaliyeed ay kasoo dhaqaaqeen magaalada Mandheera si ay wadahadal ula furaan Al Shabaab.

Odayaasha oo gaaraya ku dhawaad 10 oday dhaqameed ayaa la sheegay inay usoo talaabeen dhanka xuduuda Soomaliya, iyaga oo doonaya inay wadahadal la furaan Al Shabaab.

Wararay helaysho Badweyntimes ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ay Al Shabaab kala hadlayaan sidii loosii deyn lahaa dhaqaatiir Al Shabaab kasoo afduubteen degmada Madheera ee gobolka Waqooyi Bari.

Wargeys-ka The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa daabacay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay ku wanaagsan yihiin xalinta xaaladahan oo kale oo aad u adag, iyaga oo sheegay in loo baahan yahay inay xaliyaan xiisadda Afduubka Al Shabaab ay geysteen ka dhalatay.

Dhaqaatiirta u dhashay dalka Cuba ayaa qeyb ka ahaa mashruuc dowladda Kenya ay damacsaneyd oo ah in la is dhaafsado dhaqaatiirta labada dhinac si ay khibrad isku weydaarsadaan.

Ku dhawaad 100 dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ayaa ku sugan gudaha dalka Kenya, waxaana loo qeybiyay 47 gobol oo ku yaala dalka Kenya.

Dhinaca kale 50 Dhaqtar oo Kenyaan ah ayaa loo diray Cuba si ay u soo bartaan taqasuska caafimaad oo ka mid ah shaqooyinka ugu baahida badan Kenya.

Ciidamada gaarka ah ee Kenya iyo kuwa Booliska ayaa howlgal lagu baadi goobayo dhaqaatiirtaas ka billaaay gudaha Soomaaliya, waxaana odayaasha doonayaan in xiisadda la xaliyo.

Waxaana bar bar socda xalka Odayaasha ee lagu doonayo in lagu sooo badbaadiyo dhaqaatiirta u dhalatay Cuba.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com