Nin 73 sano jir ah oo dunida siweyn oga yaabsaday kadib markii oo sameeyay

Ciyaartooy u dhashay Israa’iil ayaa galay rikoorka ciyaartoyga ugu da’da weyn dunida ee ka qeybgala ciyaar caalami ah isagoo jiro da’da 73 jir.

Isaak Hayik ayaa Jimicihii noqday gool hayaha koox lagu magacaabo Ironi Or Yehuda oo ka dhisan Israa’iil.

Waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dheelo ciyaar kale kaddid markii uu dhameystay 90-kii daqiiqo oo ay ciyaarta socotay.

Isaak Hayik ayaa markii ciyaarta ay dhamaatay, xaflad lagu qabtay garoonka ayaa waxaa lagu guddoonsiiyay abaal marinta rikoorka ciyaartoyga ugu da’da weyn dunida.

Hayik xilli uu kubadda qabanayayLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionHayik xilli uu kubadda qabanayay

Inkasta oo koooxdiisa looga badiyay 5-1, ninkan ayaa kooxdiisa ka badbaadiyay goolal badan oo kusoo socday shabaqa.

“Tallaabadan ma aha oo kaliya ah sharaf aniga ii soo hoyatay balse waxay sharaf u tahay guud ahaan bahda kubadda cagta ee reer Israa’iil” ayuu yiri Hayik oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Moshe Hayik oo 36 jir ah, ahna wiil uu dhalay ninkan ayaa ku tilmaamay guusha uu gaaray aabihiis mid aanan la rumeysan karin.

Isaak Hayik xilli uu ciyaarayayLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionIsaak Hayik xilli uu ciyaarayay
Isaak Hayik.Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Isaak Hayik, oo la dabaaldeggayo koxdiisa markii la guddoonsiiyay abaal marintaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionIsaak Hayik, oo la dabaaldeggayo koxdiisa markii la guddoonsiiyay abaal marinta

Robert Carmona oo 53 jir una dhashay dalka Uruguay ayaa horey u heystay rikoorka ciyaartooyga ugu da’da weyn dunida, halka weeraryahanka reer Japan Kazuyoshi Miura,uu noqday ciyaartooyga ugu da’da weyn dunida ee dhaliyo gool xilli ay socotay ciyaar adag.

Xigasho BBC


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com