Faahfaahin” Qarax ka dhacay Maqaayad u dhow Saldhiga Booliska Waaberi & Qasaaraha…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax Galabta ka dhacay maqaayad ku dhow saldhiga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

 

Qaraxa oo laga maqlay qeybo badan oo ka tirsan caasimadda ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaayadda Barwaaqo,

 

waxaana qasaare dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaaray dad u badnaa kuwii ku sugnaa waddada iyo macaamiisha maqaayaddaasi oo tallaabooyin u jirta saldhigga Booliska degmada Waaberi.

 

Waxaa goobta qaraxa ka dhacay ku soo socda gawaarida gurmadka oo halkaasi ka qaaday dad dhaawac u badan oo la gaarsiiyey isbitaalada Muqdisho,

Inta la xaqiijiyey ilaa 7 qof ayaa dhaawac ah, waxaana la sheegayaa in khasaaraha uu intaasi ka badanyahay laakin uu weli gurmadka socdo.

 

iyadoo aan la heynin tirada rasmiga ah. Ad Waa qaraxiii labaad ee maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho, siiba wadadda Maka Almukarama ee sida weyn loo ilaaliyo, kadib markii ciidamada Booliska ay xireen wadooyinka caasimadda oo howlgallo amni ay ka socdaan


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com