Dhageyso”Al-Shabaab oo Go’doomiyay Degmada Marka & Maamulka Koonfur Galbeed oo Sheegay…..

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay dhibaatooyin ay sheegeen in ay ka jirto degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kadib markii halkaasi ay Go’doomiyeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

 

Maxaad Maxamed Ciise oo ah Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta  ayaa waxaa uu sheegay in degmadaas dadka ku nool ay heestaan dhibaatooyin adag oo sababay Go’doominta ay geliyeen Al-shabaab.

 

Waxa uu baaq u diray Madaxda dowladda federaalka in ay ka qeyb qaataan sidii loo furi lahaa Wadooyinka soo gala degmada iyo kuwa kabaxa si Bulshada degmada Marka uga baxaan dhibaatooyinka heesta.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha mamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya in amniga degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose uu yahay mid wanaagsan,hayeeshee ay xiran yihiin oo kaliya Wadooyinka qaar ee soo gala halkaasi.

 

Hadalka Maxaad Maxamed Ciise ayaa kusoo aadaya,iyadoo weli dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay u Go’doonsan tahay qeybo kamid ah degmada Marka ee Gobolka Shabeelle,waxaana dhawaan maamulkii degmadaas ka jiray lagu sameeyay Isbedel cusub.

 



Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com