DHAGEYSO: Digniintii Taliyaha Booliska Jeediyey Saacado Ka Hor Oo Gil gishay Xarunta Villa Soomaaliya

Kadib isku dhacyo Khasaaro ka dhashay oo Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamo kawadatirsan Dawlada Soomaaliya ayaa waxaa arintaas ka hadlay taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Iska horimaad shalay Sabtidii Ka dhacay Isgoyska Baar Ayaan iyo Mid Jimcihii ka dhacay Isgoyska Maana booliyo waxaa la sheegay in Ciidamo katirsan Meliteriga iyo Booliska isku rasaaseeyeen.

Taliyaha Booliska Soomaaliya General Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) waxa uu sheegay in ay jiraan Baaritaano ay wadaan saraakiilna loo xiray Tacshiiradii Dhacday Labadii Maalin ee lasoo dhaafay.

General Bashiir waxa uu fariin udiray Mas’uuliyiinta dawlada Ilaaladooda Ee Mararka qaar sameeya Amar diidada meelaha ciidamada Booliska kusugan yihiin ee isku daya inay si Xoog ah ku gudbaan.

Dhowr mar ayaa sidaan oo kale Ciidamada Kawada Tirsan Dawlada Soomaaliya Ku dagaalameen Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho,kana dhashay Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Buuq ka dhashay Warka Taliye ameeriko ayaa saameyey Madaxtooyada weliba Saraakiil badan ayaa waxay ku sheegeen in daan daansi Booliska Meliteriga kusoo qaaday Amarkaas digniinta ah yahay.

Waxay Tani sii Cakirineysaa Xaalada Amni iyo Saraakiisha Waddanka dhinaca Ciidamada Xukunta.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com