Daawo:Bank si yaab leh lacag looga dhacay asagoo la isticmalaayo Cagaf cagaf

Falalka dhaca ah ee loo geysto bangiyada ayaa inta badan loo adeegsadaa hub iyo siyaabo kale oo lagu jabsado sanduuqyada lacagta, hase yeeshee sheekadan way ka duwan tahay sidaas waxaana dhaca bangigan loo adeegsaday hab cajiib ah oo ay dad badan la yaabeen.

Muuqaal ay duubtay Kaamirada CCTV-ga ee lagu ilaaliyo meheradaha ayaa muujisay Cagafcagaf wayn, oo ah nooca dhulka lagu qodo, oo jajabinaysa albaab laga galo goob kaalin shidaal ah oo ku taala magaalada Dungiven ee waqooyiga Ireland.

Koox tuugo ah oo la sheegay inay gaarigaas weyn wateen ayuu qorshahoodu ahaa si ay u dhacaan mashiinka lacagaha bangiga lagala baxo ee loo yaqaanno ATM-ka.

Booliska oo baaritaan ku wada dhacdadan ayaa baahiyay muuqalkan si loo soo helo tuugada gaysatay fallkan.

Falkan sidee loo fuliyay?

Darawalka Cagafta waday ayaa ahaa nin ay ka muuqatay aqoon sare oo la xariirta adeegsiga makiinadda cagafta.

Hase yeeshee, ninkan ayaa markii horeba soo xaday Cagafta uu howlgalka burcadnimada ah ku filinayay,wuxuuna bartilmaamsanayay goobta uu mashiinka bangiga kaga jiray dhismaha.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com