DAAWO VEDIO” Ciidamo Kumaandoos ah oo lagu soo tababaray dalka Turkiga oo dalka ku soo laabtay+ SAWIRO

Ciidamo gaaraya saddex boqol oo lagu soo tababar kumaandoosnimo ku soo qaatay  dalka Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay dalka iyagoo ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Askartan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka gaashaandhigga,taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada.

Dowlada Turkiga ayaa gacan ka siisa dowlada Soomaaliya dhinaca tababarka ciidamada,balse ciidamadan maanta ku soo laabtay Muqdisho ayaa  ah kuwii ugu badnaa ee tababar kumaandoos ah ku soo qaata dalka Turkiga.

Sidoo kale dowlada Turkiga ayaa waxa ay ku leedahay magaalada Muqdisho caasimada dalka dugsi lagu tababaro ciidamada iyadoo boqolaal askar ah ay tababar ku soo qaateen dugsiga tababarka Turkiga ee Muqdisho.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com