Booliska Somaliya oo ka warbixiyay Qaraxa galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa ka warbixisay Qarax maanta ka dhacay Isgoyska Dabka.

Gen. Zakia ayaa sheegtay in Gaariga qarxay noociisu uu yahay Toyota Harrier, islamarkaana la hordhigay dhismo u dhow isgoyska dabka ee magaaladda Muqdisho, kadibna uu qarxay, waxaana khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi ay ku sheegtay inay yihiin Afar qof oo dhimasho ah iyo Shan kale oo Dhaawac ah.

“Gaari noociisu yahay Toyota Harrier oo la hordhigay dhismo u dhaw Isgoyska Dabka ayaa qarxay, Ilaa iyo hadda inta aan xaqiijinnay waa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac ah, waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebe deg deg ha u bogsiiyo” ayey tiri Gen. Zakia

Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed mar kale ugu baaqday in ay muujiyaan taxadar, islamarkaana Booliska iyo Laamaha ay ku soo war geliyaan gawaarida laga shakiyo.

“Waxaan mar kale u sheegeynaa shacabka in ay taxaddar muujiyaan oo ay Booliiska ku soo wargaliyaan gawaarida laga shakiyo iyaga oo soo wacaya 991” ayey mar kale tiri Gen. Zakiya.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com