Aabe Gabadhiisa Oo 2 Jir Ah Si Kas Ah Uga tegay Maqaaayad [Sabab Yaab Leh]

Sheekadaan markii aan Arkay waxaan Jecleystay inaan Asxaabteena Ku xiran Badweyn in aan la wadaago Caqli Xumada Reer Galbeedka Qaar Heysato iyo Diin la’aanta heerka ay gaartay.

Aabaha iyo Gabadhiisa 2 Jirka aheyd ayaa tegay Baar laga cunteeyo,waxa uu jeebka ku wataa Aabaha Lacag 1 Yuan Ah oo lacagta shiinaha ah,waxa uu isticmaalay lacag gaareysa 6 Yuan,taas oo shan ka badan intuu watay.

Lacag qabtaha Baarka fadhiyey ayuu aabihii ku yiri Lacag igu filan ma heysto ee maxaan sameeyaa,waxa uu yiri aabihii Qorshe ayaan helay,Gabadha yar sii heysta ilaa maalinta aan lacagta idinka keenayo.

Muuqaal uu baahiyey Telefishinka Guangdong Ee Koonfurta shiinaha ayaa qabsaday Baraha Bulshada,waxaana laga arkayey Gabadha oo ooyneysa iyo Aabaha oo Albaabaka kasii baxaya soona reebaya gabadha yar si aysan Baarka uga bixin.

Waxay Aheyd Arin ay Dad badan Oo Caalamka kusugan ka xumaadeen Falkaasi Aabaha uu ku dhaqaaqay Ee Gabadhiisa uu ku dayacay.

Waxaa Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Hadii Aad Ubaahan tahay Warbixinta Oo Ingiriis ku Qoran Hoos ka Akhriso

https://www.khaleejtimes.com/…/video-father-pawns-two-year-…


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com