7 Astaamood oo Dumarka Shaqeeya Ay Kaga Wanaagsan Yihiin Asaaggooda Guri Joogta Ah (Muuqaal)

Bulshada reer bariga inta badan raggu ma jecla iney guursadaan gabar shaqeysa, waa arrin iska dabiici ah maadama ay raggu aad u maseyr badan yihiin, qaarkoodna ay moodaan in gabadha shaqaalaha ah ay ka gaabiso xaqa ninkeeda iyo caruurteeda, laakiin arrimahaasi sax maaha.

Dhanka kale, waxaa jira rag badan oo jecel in lamaanahooda nolosha ay ka dhigtaan gabar shaqeysa, gabadhan ayaa waxey leedahay astaamo badan oo ay kaga duwan tahay dumarka guri jooggtada ah, waa sida uu qoray websiteka Bold Sky,

7 Arrimood oo Dumarka Shaqeeyaa Kaga Duwan Yihiin Asaagooda kale ee guri joogta Ah

  1. Qof Karti Badan

Haddii lamaanahaagu ay tahay qof shaqadeeda ku guuleysatay, arrintaasi waxey ka dhigan tahay in ay leedahay shakhsiyad dadaal badan, haddii ay ahaan lahayd qof caajis badan oo aan shaqeysan karin booska ay joogto ma aaney gaarteen.

  1. Qof bisil oo Waayo Arag ah

Marka ay gabadhu jago wanaagsan ka gaarto shaqadeeda, arrintaasi waxey ka dhigan tahay iney leedahay shaqsiyad bisil oo arag ah, waxbadan fahamsan oo mas’uul ah, sidaa darteed si ka wanaagsan dumarka kale ayey kuula dhaqmeysaa.

  1. Qof Nidaamsan

Gabadha shaqeysaa waxey qadarisaa qiimaha waqtiga, arrintaas waxey kaga duwan tahay gabadhaha aan shaqeyn oo waqtiga firaaqada ay tahay uu badan yahay, arrintaas oo ka dhigaysa inaaneyn waqtiga qadarin.

4- Dhididkaaga wey qadarisaa

Gabadha shaqeysaa waxey qadarisaa dadaalkaaga shaqo ee aad darteed u galeyso, sidaa darteed; jawi wanaagsan ayey guriga kuugu sii diyaarineysaa, sheekada iyo su’aalahana kuguma badiso.

5- Waxey leedahay caqliyad furfuran

Gabadhu maadama ay la dhaqmeyso dad kala duwan, arrintaasi waxey ka dhigeysaa iney noqoto qof furfuran, waxey saameyn ku yeelaneysaa caqligeeda iyo sida ay caruurteeda u koriso.

6- Muuqaalkeeda wey ku dadaashaa

Maadama ay gabadhu leedahay dakhli goonni ah oo ka duwan kan lamaanaheeda soo gala, waxey ku dadaaleysaa muuqaalkeeda iyo bilicdeeda, lacago farabadan oo ay shoobbin ku sameysatana kuma weydiineyso maadama ay isku filan tahay.

7- Ma su’aalo badna

Gabadha shaqeysaa ma hayso waqti badan oo ninkeeda ay ku xisaabiso ama ay kaga shakiso ugana wareysato waxwalba oo soo mara, arrintan waxey kaga duwan tahay gabadha aan shaqeyn oo had iyo jeer in laga maqan yahay dareenta, sidaa darteedna; su’aalaha ku badisa lamaanaheeda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com