Taliska Maraykanka Ee AFRICOM Oo war Kasoo saaray Duqayn Kadhacday Shabeelaha Hoose…

ciidamada Mareykanka ayaa Sheegay In Ay duqeyn  La eegteen Ururka  Al Shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka SHabeelaha Hoose.

duqeyntaasi oo aheyd mid ka dhacday deegaan ka tirsan Shabeelaha Hoose, islamarkaana lagu dilay Askar ka mid ah Ururka Al-Shabaab.

War Qoraala Oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Huleey  oo ka tirsan Shabeelaha Hoose , waxaana lala eegtay xubno ka tirsan Al Shabaab, sida qoraalka lagu sheegay.

Qoraalka Taliska ayaa lagu cadeeyay in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah, balse kaliya ay khasaaraha uu gaaray Al Shabaab Waa say Hadalka Udhigene.

Sidoo kale Waxaa qoraalka lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid Istaraatijiyad ahaa, islamarkaana lagu taageerayey Ciiddanka dowladda , si culays loo Saaro Ururka Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay Duqeyntaas.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com