Sambaloolshe Oo weerar Afkaa Kuqaaday Madaxwayne Farmajo Sheegayna in……

Taliyihii hore ee ciidamada NISA Cabdulaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo wareysi  siiyay Dalsan TV ayaa si adag u weeraray dowladda madaxweyne Farmaajo.

Sambaloolshe ayaa ugu horeyn ka hadlay arimaha badda Soomaaliya iyo safarkii madaxweyne Farmaao uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo safarkaasi ku tilmaamay mid madaxweynaha la hogaaminayay.

Wuxuu sheegay in Safarkaasi uu ahaa mid aysan fileyn dhamaan shacabka Soomaaliyeed in laga qarin doono waxyaabaha kasoo baxay kulankii gaarka ahaa ee ka dhacay magaalada Nairobi.

Wuxuu soo hadal qaaday xaaladaha dhanka amaanka ee dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in markuu xilka hayay uu wax badan ka shaqeeyay, balse markii xilka laga qaaday lagu wargeliyay xil gudasho la’aan haddana aysan jirin cid la xisaabtanta dadka hay’adaha amaanka ka shaqeeya.

Mar uu ka hadlayay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya wuxuu sheegay in guulo badan oo la gaaray aysan jirin, islamarkaana wadamo badan oo saaxiibo la ahaa Soomaaliya hadda la lumiyay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com