Macallin ardaygiisa garaac ku dilay oo isna dil lagu xukumay(arin siweyn loo hadal haayo)

Maxkamad ku taalla dalka Tanzania ayaa daldalaad ku xukuntay macallin 51 jir ah oo garaacid nafta uga qaaday arday 14 jir ah.

Respicius Mtazangira ayaa waxyaabo kala duwan ku garaacay Sperius Eradius oo ku sugan iskuulkii uu dhiganayay oo ku yaalla Bukoba oo dhacda waqooyiga galbeed ee dalka Tanzania.

Arrintan ayaa dhacday bishii Agoosto ee sannadkii hore ka dib markii wiilka yar ee ardayga ah lagu eedeeyay in uu xaday boorso la waayay.

Eradius ayaa diiday eedaynta xatooyada ee loo soo jeediyay balse macallin Mtazangira ayaa sii waday garaacidda.

Garsoore Lameck Mlacha oo xukunkan riday Arbacadii ayaa dilka ku helay Mtazangira, balse waxaa dambi lagu waayay Heriet Gerald oo ah macallin kale oo dambi loo haystay.

Sagaal ruux oo ay arday ka mid yihiin ayaa ku makhraati furay macallinka dambiga lagu helay, dhanka kalana waxaa maxkamadda la keenay cadaymo caafimaad oo muujinaya in garaacid uu u dhintay wiilka yar.

Warbaahinta deeganka ayaa soo xigatay qareenka Mtazangira oo sheegaya in uusan meesha ka saarayn in uu racfaan ka qaato xukunka.

Markii ugu dambaysay ee Tanzania ay xukun dil ah fuliso wuxuu ahaa sannadkii 1994-tii.

Madaxweyne John Magafuli ayaa isna sannadkii 2017kii sheegay in uu ka soo horjeedo xukunka dilka ah.

Xigasho BBC


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com