Macallin Ardayda Saboolka Ah Ku Taageera Mushaarkiisa oo Ku Guuleysay Abaalmarin Hal-milyan oo Doolar ah (Muuqaal)

Macallin dalka Kenya u dhashay oo ka soo jeeda deegaan magaalooyinka waaweyn ka fog, dakhligiisana inta ugu badan ku taageera ardayda saboolka ah ayaa ku guuleystay abaalmarinta ay ku tartameen 10-kun oo macallin oo qiimaheedu gaarayo hal-milyan oo dolar, waxaana loo xushay inuu ka mid ayahay macallimiinta ugu fiican adduunka 2019.

Bitar Tabiteeshii oo ah macallin Sayniska dhiga ayaa 80% mushaarkiisa ku bixiya ardayda saboolka ah ee ku sugan deegaanka Buwani ee badiya ah, deegaanka ayaa saddex meelood oo meel caruur ay yihiin kuwo agoon ah oo mid ka mid ah waalidkood aan haysan, halka deegaanka ay ku badan tahay abaarta.

Taabitiishii waxaa laga dhex doortay 10 kun oo macallin oo u sharraxnaa abaalmarinta macallinka Caalamiga ah, oo la bixiyay Axaddii la soo dhaafay laguna qabtay magaalada Dubai, waa sida ay sheegtay wakaaladda wararka Associated Press.

Taabitiishii waa macallinkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee rag ah ee ku guuleysta abaalmarintan ay bixiso mu’asasada “Farki” ee uu aasaasay milkiilaha shirkadda GEMS Education Company.

Mu’asasada Farki ayaa hadafkeedu uu yahay in la wanaajiyo heerka waxbarashada caruurta aan dhaqaale ahaan awoodin waxbarashada daafaha kala duwan ee adduunka, sidaas oo kale in la dhiso tayada macallimiinta, iyo in la siiyo deeq mu’asasaadka iyo hay’adaha hal-abuurka leh.

Xigasho Goobjoog


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com