Kenya Oo Ugu Dambeyn Go’aan Ka Qaadatay Khilaafkii Kala Dhaxeeyey Soomaaliya Xilli Willam Rutu Cod Dheer Ku Sheegay Inay…

Muranka Badda Ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa la sheegay inuu cuuryaamiyey isku kalsoonaanta Madaxda Labada Waddan iyo Sidii la isku ahaa oo ay noqotay mid shaki gashay.

Todobaadyo ka hor ayey aheyd markii Khilaaf diblomaasi uu soo kala dhex galay Labada Waddan oo keentay in Safiiradii ay kala baxsadaan.

Inkastoo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed uu soo kala dhex galay xal hordhac ahna ka gaaray khilaafkaasi hadana Kenya waxay sheegeen inay weli jirto xurgufta qaar.

Waxay gaartay in ciidamada Kenya lagu hanjabo inay Soomaaliya ka baxaan,balse Xaalku ay noqotay mid xitaa Shacabka ay kalsooni daro ka dhex dhalato.

Madaxweyne Kuxigeenka Kenya William Ruto oo wareysi siiyey telefishin ku yaalla Dalka Ugandha waxa uu si maldahan usheegay inay Africa Madaxdeeda loo baahan yahay inay Midoobaan.

Waxa Uu Ruto sheegay In Soomaaliya,Kenya,iyo dalalka Kale Ee Bariga Africa dhaca hadii ay soo kala dhex gasho Xiisad Siyaasadeed mise mid diblomaasiyada ah ay iyagu dhameysan karaan oo xalka laga eego intii xaalada la xumeyn lahaa.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa Deris wadaag ah,waxaana taas dheer inay jiraan dad Soomaali ah oo ganacsi ku heysta Waddanka Kenya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com