Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Sheegay In Aan Wali Xal Laga Gaarin Khilaafkii Labada Aqal ..

Guddoomiyaha  Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in wali uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka, waxaana uu sheegay in marar badan la yeeshay kulam arimahaasi la doonayay in lagu xaliyo, balse aan la isku fahmin.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Ay isku hayo qodobo Dastuuri ah, dhankoodana ay sameeyeen tanaasulaad badan, balse aysan dhicin in dhanka Golaha shacabka ay ka helaan tanaasulaad.

“Wali waa sideesii Khilaafkii jiray, laakiin lagama rajo dhigin, marar badan ayaan kulanay, waxaana u malaynayaa in dhanka Golaha shacabka ay wada shaqeynta ka socon weysay, waana heynaa dhamaan cadeymaha, waxaanse rajeyneynaa in xal laga gaaro, waxaa la isku hayaa qodobo Dastuuri ah”.

“Wax badan ayaan tanaasul sameyney, haddana waxaa wanaagsan in si dhab ah loo wada shaqeyn doono, waxaana arintaan fileynaa in hogaanka ugu sareeyo dalka uu go’aan qeyb ka qaadan doono”ayuu yiri Gudoomiyuhu.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com