DHAGEYSO:Shabaab oo kaarto cusub ubadashay habka dilalka ufulin jirtay iyo Haween shabaab ah oo dilal kabilaabay

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani Ayaa waxa uu ka hadlay amni darada kusoo korortay Qeybo ka mid ah Deegaanada Gobolka Bari.

Isagoo khudbad ka jeedinayey Munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga Haweenka ayuu Madaxweyne Dani waxa uu kusoo hadal qaaday inay jiraan Dumar Amni darada ka qeyb qaata.

Waxa uu xusay inay Haweenka qaar Bistoolado wataan Boosaaso iyo deegaanada kudhaw sidaas awgeedna ay ka qeyb qaataan Nabad gelyo xumada.

Madaxweyne Siciid Dani ayaa waxa uu ku tartan siiyey Haweenka inay Siyaasad keliya u hanqal taagin balse ay Dib udhiska Dawladnimada iyo hormarka Bulshada ka qeyb noqdaan iyagoo ciidanka ku biiraya.

Dil ayaa shalay Salaadii khudbada Jimco ka hor waxaa loogu geystay bartanka Masjidka Mubaarag Allaha Unaxariistee Suldaan Bashiir Konte oo ka mid ahaa Salaadiinta laga yaqaanay Gobolka Bari.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com