DHAGEYSO:Maamulka Somaliland oo shir caalami ah ka qeyb galay oo muhiimad uleh

Somaliland ayaa dalka UK uga qeyb gashay Shir Caalami ah oo looga hadlaayay Ganacsiga, kaasoo ay ka qeyb galeen Ganacsato kala duwan oo kala socotay in ka badan 100 dal, kuwaasoo goobta kusoo bandhigay waxyaabaha dalalkooda laga helikaro.

Wasiirka Wasaaradda xiriirka Goleyaasha Maxamed Xaaji Aadan oo maanta warbaahinta kula hadlaayay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shirkaasi ay kusoo bandhigeyn muhiimadda ay leedahay Somaliland.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dalalkii ka qeyb galay kulankaasi ay Somaliland si weyn u soo dhaweeyeen, islamarkaana kulamo kale ay dalalkooda kula yeelan doonaan.

Wasiirka ayaa xusay in ay tahay markii ugu horreysay oo Somaliland Shirkaan lagu casuumo.

Somaliland ayaa dadaal ugu jirta sidii ay qeyb kaga noqon laheyd dalalka Caalamka, waxaana ay waddaa dadaallo ay ku raadinayso Ictiraaf.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com