DHAGEYSO:Askari katirsan ciidamada dowlada oo gabar si xun u dilay kadibna sameeyay dhacdo Ugub ah

Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta deegaanka Ceel-macaan ee gobolka Sh/dhexe ku dilay haweeney la sheegay iney ka shaqeynaysa Maqaayad Halkaasi ku taalla.

Naciimo Axmed Cali oo ah eedada gabadhan la dilay ayaa sheegay in askarigii wax dilay uu baxsaday, iyadoo dhanka kale shacabka ku dhaqan deegaankaasi ay dibadbaxyo dhigeen.

Sidoo kale, Naciimo ayaa sheegtay in markii uu askarigan wax dilay uu tagay saldhig ku yaalla Ceel-macaan oo uu isaga ka tirsanaa una sheegay ciidankii halkaasi joogay inuu gabar dilay, goobtana isaga dhaqaajiyey iyadoo aan la qaban.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceel-macaan ayaa dalbaday in degdeg lagu soo qabto gacan ku dhiiglaha lana saaro maxkamad.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com