Dhageyso: Dawlada Soomaaliya Oo Turkiga & UK Hordhigtay Dalab Culeys Ah & Jawaab Aan Weli Lasiinin

Sida Uu Qorshaha Yahay Dawlada waxay dooneysaa inay Shirkad Laga leeyahay Dalka Mareykanka usameyso Diyaarado Cusub si dib loo soo celiyo Soomaali Airline.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa waxa uu ka hadlay sida ay ku doonayaan naqshad ahaan Diyaaradaha ay rabaan in loo sameeyo Soomaaliya.

Zakariye Aadan Oo ka mid ah Xubnaha Deegaanka Ee Tukwila Washinton waxa uu sheegay inay Wasiir Oomaar inta uu kusugnaa Mareykanka ay kala hadleen Iqtiraacida Diyaarado Cusub Oo Soomaaliya yeelato.

Sidoo kale waxa uu Zakariye Aadan sheegay oo ka mid ah Xildhibaanada Deegaanka Tukwila Laga soo doorto Ee Soomaali Amerikaanka ah in Doorka Dhalinyarada iyo Shaqo Abuurkooda muhiim ay utahay Soomaalida.

In Dib loo soo celiyo Soomaali Airline waa tallaabo Kale Oo Soomaalida ku farxi doonto,Warar ayaa sheegaya in Dawlada Soomaaliya ay Qarashka Ku Baxaya Sameynta Diyaaradaasi ay rabto inay Ka qaado Qaar ka mid ah Dalalka Dhaqaalaha ku taageero Oo ay Ingiriiska iyo Turkiga.

Sanadkii hore Dawlada Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay Lasoo wareegto Sanado badan kadib Maamulka Hawada Soomaaliya Oo London Laga haki jiray.

Soomaali Airline Ayaa waxa la aas aasay Sanadkii 1964-kii waxaana ay aheyd mid Caalamka Duulimaadyo ku kala bixin jirtay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com