DEG DEG: Dowladda Somaliya oo Shaacisay waqtiga la aasayo Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay goorta aaska qaran loo sameynayo wasiirkii hore Dastuurka xukuumada Soomaaliya C.raxmaan Xoosh Jabriil.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka Xuseen Cabdi Cilmi oo saxaafada kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in masuuliyiinta ugu sareyso dalka ay ka qeyb gali doonaan aaska Wasiirka.

C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa ku geeriyooday magaalada magaalada Dubai ee Isku taga Imaaraatka Carabta, waxaana uu noqonayaa wasiirkii labaad ee geeriyooda inta xilka uu hayo Xasan Cali Kheyre.

Guddi ka kooban wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa loo xil saaray qaban qaabada aaska C/raxmaan Xoosh Jabriil, waxaana qorshaha uu yahay in maalinta beri ah aas loo sameeyo Marxuumka.

Maanta ayaa la filayay in aaska la sameeyo, balse wasiir ku xigeenka Dastuurka ayaa sheegay in meydka la filayay inuu maanta yimaado balse aysan dhicin, sida uu hadalka u dhigay.

Xasan Cali Kheyre ayaa aaska wasiirka dartii dib u dhigay safar uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose halkaasi ay kaga horeeyaan xubno hordhac u ah safarka uu ku tagayo magaalada Kismaayo.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiradda, Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda ayaa qeyb ka ah guddiga ka shaqeynayo qaban qaabada aaska Marxuum Xoosh.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com