DAAWO:Waxey Isku Dayday Iney La Kaftanto Xilligii Toortaha Afka La Isku Gelinayay Arrin Ay La Xanuunsatay oo Layaab Ku Noqotay Dadkii Arooska

Inta badan xafladaha arooska lama filaanno farabadan ayaa ka dhaca, qaarkood ay yihiin kuwo farxad badan, halka kuwo kalena murugo lagala hoydo, waxaaba jira xaflado ay ka dhacaan dhibaatooyin in muddo ah laga sheekeeyo, waana tan ka dhacday aroos ay gabadhu isku dayday iney la kanftanto saygeeda xilligii lagu gudo jiray xafladdii arooska, laakiin falcelinta ay kala kulantay ay ahayd mid adag oo lama filaan ah.

Arooska oo sida ay muuqato ka dhacay dowlad Asian ah ayaa gabadhu ay isku dayday iney la kaftanto arooska xilliga keega afka la isku gelinayay, marka hore isagaa afka u galinaya si caadi ah, marka ay xilligiisa gaarto ayey isku dayaysaa iney kacata dib ugala noqoto si kaftan ah, aad ayuu u carooday markaas ayuu dhirbaaxo uu iska soo jaray uu wejiga kala haleelay, qof ayaa isku dayay inuu dhinac u arooska si uu xaaladda u dejiyo, halka ay aroosaddu dareemaysay xanuun daran; waana sida laga dheehan karo muuqaal ay faafisay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Markii muuqaalkan la faafiyay ayaa dadka baraha bulshada isticmaal ay weerar ku qaadeen dhaqanka ninkan oo aan magaciisa la shaacin, waxey dadku ku doodayeen iney waajib ay tahay in la siisyo duruus ku aaddan dhanka xuquuqda aadanaha ah sida ugu dhakhsiyaha badan, halka dadkalena ay ku doodayaan iney habboon tahay in gabadhaa laga furo.

Sida ay jariidadu sheegtay weli ma cadda dalka muuqaalkan laga duubay, laakiin dadka qaar waxey ku sheegeen iney tahay dowlad Asian ah , muuqaalkan ayaa faafay kadib markii saddex sanno ka hor uu soo baxay mid la mid ah oo uu kasoo muuqanayay nin xaaskiis gacanta ka dhirbaaxaya xilli ay kula kaftameysay, sidan oo kale keeggii arooska oo ay afkiisa ag marmarisay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com