Ciidamada Dowlada Oo 100 Ruux Ka soo qabqabtay Gudaha Degmada Balcad….

Wararka Aan Kehelayno degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in xalay ciidamada Dowlada ay howlgalo  ka sameeyeen degmadaasi.

Howl-galkaan oo ahaa Mid qorsheysan ayaa laga fuliyay dhammaan xaafadaha kaladuwan Ee degmada Balcad.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay in howlgalka Lagu Soo qabtay dhalin yaro badan, islamarkaana qaarkood ay ka xeysteen ciidamada amaanka.

Ciidamada ayaa howl-galka ku qabtay ku dhawaad 100 Ruux, kuwaas oo u badnaa dhalinyaro.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa sheegay in dadkan la soo qabtay baaritaano lagu sameynayo, islamarkaana cidii lagu helo in ay Alshabaab Yihiin sharcigaan horgeyn doonaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com