Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Maamulka Jubaland Oo Dhaq dhaqaaqyo Kawada Jubada Hoose…

Ciidamada Dowlada Somaaliya  iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay dhaq-dhaqaaqyo military ay ka wadaan Deegaano Hoos Taga Degmada Jamaame ee Gobalka Jubada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada Somaliya ayaa  sheegay in ay baacsanayaan  Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan Deegaanada Jubada Hoose.

Saraakiisha ayaa waxaa ay Sidoo kale Sheegeen in Maalmaha soo aadan ay Al-Shabaab ka saari doonaan Degmada Jamaame  ee Gobalka Jubada Hoose.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dileen Deegaano u dhow Degmada Jamaame.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada Dowlada   waxaa ay Howlgalo ka dhan ah Ururka  Al-Shabaab ay ka wadeen Deegaano ka tirsan Gobalka Jubada Hoose.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com