AQRISO: Maydka Wiilkii Dhalin Yarada Ahaa Ee Laga helay Wadada Maka-almukarama..

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya meydkaWiilkii dhalinyaro ah oo lagu arkay wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sida xaalkiisa uu ku dhacay.

Wararka qaar ee soo baxaya waxay sheegayaan in ruuxaasi loo  badinayo inuu kamid ahaa dadki waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in ruuxaasi uu doonayay inuu mid kamid ah baalayaasha korontada uu qalab ka furto balse ay korontada qabatay, halkaasina uu ku geeriyooday.

Waxaa dadka qaar ee bar gartay ay sheegeen inuu ahaa dadka cuna haraadiga Khaadka islamarkaana loo malaynayo inay korontada dishay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com