Yey ku wajahneyd fariinta wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad?

Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa soo dhigay Bartiisa Facebook Qoraal uu kaga hadlayo in muwaadinimada aysan aheyn kaliya calanka Jamhuuriyadda oo jeebka la surto.

Wuxuu sheegay in shaqsiyaadka doonaya inay cadeeyaan wadaniyadnimadooda looga baahan yahay inay isku ekaadaan hadalkooda iyo ficilkooda, islamarkaana kaliya aan loo baahneyn in Calanka Soomaaliya la isticmaalo.

Inkastoo uusan cadeyn cidda uu sida gaarka ah fariintaasi ugu dirayo, haddana waxaa muuqata in fariintiisa ku wajahan tahay siyaasiyiin badan oo lagu xanto inaysan isku mid aheyn hadalkooda iyo ficilkooda.

“In astaan calanka ah aad surto jeebkaagu waxaa keliya oo ay inoo muujineysaa in aad dooneysid in aad isku sifeyso muwaaddin waddani ah”

“Anigu waxaan waddani kaaga talo gelayaa keliya marka erayadaada iyo ficilladaadu ay abaar iyo aaranba ka tarjumayaan waddaniyad”ayuu yiri wasiir Yuusuf Garaad.

Yuusuf Garaad aoo noqday wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xilka laga qaaday isaga oo shaqo ku maqan, waxaana muuqatay xiligaasi inuusan ku qanacsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com