XOG: Villa Somalia oo ka Hortagtay Qorshe ay Muqdisho ka wadeen Mucaaradka iyo Banaanbax la….

Xog gaara ayaa sheegeysa in Villa Somalia ay ka hortagtay Banaanbax weyn oo lagu waday inuu ka dhaco Magaalada Muqdisho kaasoo looga soo horjeeday Shirka Shidaalka ee London oo Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ay soo qaban qaabisay.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ku fashilmay Abaabul ay ku doonayeen inay Banaanbax weyn ku qabtaan Muqdisho kadib Ciidamo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya oo qorshahaasi ka hortagay.

Xisbiyada Mucaaradka ee kasoo horjeeda Villa Somalia ayaa waday qorshe ay isugu keenayaan shacab kala duwan, iyagoo xeryaha Barakacayaasha ah kasoo aruurinayay Shacab Banaanbaxa sameeya laakiin Villa Somalia ayaa waddooyinka qaar xirtay, iyadoo su joogto ah ula socotay dhaq dhaqaaq kasta oo dibad bax lagu sameyn karay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya iyo madaxdii horay ee soomaaliya soo hoggaamisay ayaa ka horyimid shirkaan iyaga oo sheegay in haatan aysan suurta gal ahayn in shidaalka Soomaaliya shirkado ajaanib ah ay xaraashaan arrintaanne ay keeni karto qalqal siyaasadeed iyo mid amniyeed intaba.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si kulul u sheegay inay been abuur tahay wararka sheegaya in dano gaar ah loo adeegsanayo Xaraashka Soomaaliya Shidaalka, isagoo weerar Afka ah ku qaaday Siyaasiyiin uu ku tilmaamay ilaa 2000 soo waday inay hormarka Soomaaliya ka qeyb qaadanayey in Dalka dib udhac geliyaan.

Si kastaba ha ahaatee Maahan markii ugu horeysay oo Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka hortagto Banaanbaxyo waa weyn oo Magaalada Muqdisho ay doonayaan Mucaaradka inay ka dhigaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com