XOG: Siyaasiyiin Mucaarad ah oo ku Biiraya Nabad iyo Nolol & Kheyre oo Aqbalay Hal Arrin

Xog gaara ayaa sheegaysa in Ra’iisul wasaare Kheyre uu aqbalay inuu qeyb ka siiyo Xubnaha Wasiiradda Xildhibaanada dagaalka kula jira Xukuumadiisa si ay u joojiyaan abaabulada ka dhan ka ah Nabad iyo Nolol.

Xukuumadda uu Hogaamiyo Xasan Cali Kheyre ayaa dhamaan waxaa ku jira Masuuliyiin Muxaafad ah oo waxaa meesha ka baxay Khilaafkii iyo isqabqabsigii Golaha Wasiiradda balse Go’aankan uu aqb alay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa ka cabanaya faragalin ay Xukuumadda ku heyso Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna ku goodiyeen hadii ay soo laabato in Mooshinka ay xilka kaga qaadayaan Kheyre ay Golaha horgeyn doonaan.

Xubnaha Wasiiradda cusub ee Xukuumadda lagu soo dari doono ayaa laga kala keeni doonaa Xisbiyada Mucaaradka iyadoo si gaara loo soo xuli doono Xildhibaanada ku jira Xisbiyadaasi waxaa Shaqsiyaadka ugu badan ku yeelan doona Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh iyo sidoo kale midka uu Guddoomiyaha u yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed maadaama Xildhibaanada Mucaaradka ay ku badan yihiin labadaas Xisbi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com