Wariyaasha oo looga yeeray madaxtooyada Garoowe iyo wasiirada oo lagu dhawaqaayo(Yaa kamid ah)

Wararkii ugu dambeeyey ee hada aan helayno ayaa sheegaya in madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe looga yeeray warbaahinta qaybaheeda kala duwan isla markaasna xiligani lagu dhawaaqi doono liiska gollaha wasiirada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni ayaa ugu dambeyntii waxa uu soo magacaabay wasiiro tira ahaan gaaraya ilaa 18 wasiir iyo ku xigeenadooda, waxaana goor dhow warbaahinta loo soo bandhigi doonaa wasiiradaasi iyo magacyadooda.

Madaxweyne Denni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa saacidihii ugu dambeeyey wada lahaa kulamo iyo shirar wada tashi ah oo ku aadan magacaabista wasiirada Puntland oo hada lagu dhawaaqi doono.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com