Wararkii ugu Dambeeyay Diyaarado Gantaalo ku garaacay Jubada Hoose & Mareykanka oo ka hadlay

Taliska Ciidamada Milliteriga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyn ay ka geysteen deegaan ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntan ugu dambeysay ay ku dileen illaa siddeed dagaalame oo ka mid ah ururka Al-Shabaab duqeyn ka dhacday meel ku dhow deegaanka Kobon oo aan ka fogeyn magaaladda Kismaayo.

Taliska Africom ayaa sheegay in duqeyntan aysan waxyeelo ka soo gaarin dad rayid ah, ayna sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa kordhiyay weerarada duqeynta ah ee ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya iyadoo sanadkan cusub duqeymaha ay geysteen uu yahay mid aad uga badan bilihii ugu horeeyay ee sanadkii hore.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com