Maleeshiyaadka Macawiisleyda Oo Gaari Ku Rasaaseeyey Gobolka Sh/Dhexe & Shacab La Toogtay

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Cadale Ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Macawiisleyda la magac baxay ay Gaari Shacab la socdeen Rasaas ooda kaga qaadeen.

Gaari Nuuca TM-ka Loo yaqaan ayaa la sheegay inuu kusoo jeeday Muqdisho kaas oo xilli uu marayey Deegaanka Xaaji Cali Lagu Xabadeeyey.

Ilaa 8 Qof ayaa ku dhaawacmay oo gaarigaas la socday,iyadoo lasoo warinayo in dadka dhaawacyada qaar soo gaareen oo halis ah loola soo cararay Cusbitaalada Muqdisho.

Ilo Deegaanka ah ayaa sheegay in Gaariga oo ka yimid Gobollada Dhexe la isku dayey in la dhaco balse uu darawalka diiday inuu istaago.

Kooxda Macawiisleeyda ayaa waxay ka aas aasmeen Shabellaha Dhexe Bilo ka hor kuwaas oo dagaal la galay Al Shabaab oo ay Tiro dagaalyahano iska dileen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com