Madaxweyne saameyn kuleh geeska Africa oo Muqdisho kusoo wajahan kadib Dalab uu ka helay Farmaajo

Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa imanaya Magaalada Muqdisho kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Soomaaliya.

War ay baahisay Madaxtooyada Uganda ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Uganda uu booqasho ku tagi doono Magaalada Muqdisho kaddib casuumaad uu ka helay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Museveni ayaa waxaa uu kulan Magaalada Adis ababa kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in uu dhisto Ciidan Soomaali ah oo iskood u shaqeeya.

Waxaa uu sheegay in Ciidamadaasi dhismahooda kaddib iyada oo lala kaashanayo Odyaasha qabiillada ay muddo labo Sano ah noqon karaan Ciidan qaran.

Casuummadda Museveni ayaa lagu micneeyay in uu arko horumarka dhinaca siyaasadda,Dowlad wanaagga iyo amaanka Soomaaliya ka jira.

Mr Museveni ayaa dhawaan isaga oo ka hadlayay Magaalada Kampala waxaa uu Soomaaliya ku tilmaamay dal aan lahayn dowlad shaqeysa, taas oo uu dhaleeceyn badan kala kulmay dadka Soomaalida ah inkasta oo dowladda Federaalka aysan jawaab rasmi ah ka bixin hadalka Museveni.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com