Faahfaahin: Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya oo Muqdisho lagu Toogtay

Dabley hubaysan, ayaa Xaafadda Barmuudo ee Degmada Hodan, waxa ay xalay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Somaliya.

Dilkan ayaa yimid kadib markii Sarkaalkaan oo ka soo baxay laan Ciidamada Booliska ku leeyihiin xaafadaasi uu wax ka soo iibsanaayay goob dukaan ah, kadibna lagu dhex dilay halkaasi.

Kooxda dilka gaysatay, ayaa la sheegay inay wateen gaari yar oo nooca raaxada ah, kadibna ay ku baxsadeen markii ay dileen Sarkaalkaasi.

Sarkaalka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Canshuur, wuxuuna ka mid ahaa Saraakiishii Nabad Suggida ee loo soo wareejiyay Ciidamada Booliska dowladda.

Dilalka qorsheysan ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho oo lala beegsado Ciidamada Dowladda & Shaqaalaha rayidka ee Dowladda u shaqeeya.

Al Shabaab ayaa sheegtay dilka Sarkaalkaasi ay ugu gaysteen Magaalada Muqdisho.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com