Maxaa Keenay In Madaxweynaha Puntland Joojiyo Daabacaadda Lacagta Shillinka Soomaaliga?

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku amray in la joojiyo daabacaadda lacagta shillin Soomaaliga.

Deni oo qoraalkan u kala diray guddoomiyaha iyo agaasimaha guud ee Bankiga Puntland, ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya aan lacag la daabici karin nooc kasta oo ay ahaato.

Waxa uu sheegay in tani looga gol-leeyahay in kor loo qaado nolosha shacabka Puntland, loolana dagaalamo, buu yiri, sicir-bararka.

Deni ayaa wareegto kale oo uu soo saaray ku amray taliyaha ciidamada booliska Puntland in la joojiyey dismaha dhulka dowladda Puntland.

Waxa uu sheegay in dhulkaas bi xintiisa uu awodd u leeyahay oo kaliya madaxweynaha Puntland.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ee joojinta daabicida lacagta Shillinka Soomaaliga ayaa ka dambeysay kadib cabasho ay u gudbiyeen Bulshada qeybaheedka kala duwan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com