Dhageyso:-Odayaal Kasoo Horjeestay Heshiisiinta Laba Beelood Oo Xabsiga La Dhigay

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay Odayaal ay dhawaan ku xireen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe,kuwaas oo la sheegay inay kasoo horjeesteen heshiis la dhex dhigayay laba Maleeshiyo beeleed.

Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle Daa’uud Xaaji Ciro ayaa sheegay in weli Odayaasha ay xiran yihin,isla markaana colaadii labada beeleed u dhaxeysay ay ku baxeen Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe.

Odayaasha ayuu sheegay in xarigooda xal loo arkay dhawaana lasoo geba gabeyn doono dagaalka u dhaxeeya labada maleesheeyo beeleed.

Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo wareysi siiyay Warbaahinta Badweyn ayaa wax auu ka hadlay xaalada amni ee Magalada Jowhar iyo Shaqaaqooyin dhawaan Magaaladaas ka dhacay.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Odayaashaas kasoo xir xiray tuulooyin hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana mas’uuliyiinta Maamulka ay ku eedeeyeen inay kasoo horjeedeen heshiisiinta laba beelood oo dagaalamay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com