DHAGEYSO: Murashax Maanta Puntland Taariikh Lama Ilaawaan Ah Sameeyey Kana Tanaasulay Hankiisii

Murashax Saadiq Maxamed Eenoow ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garowe waxa uu ku dhawaaqay Hankiisii Madaxweynaha Puntland inuu utartamo.

Waxaa Dr Saadiq uu sheegay in bad baadinta Puntland uu garwaaqsaday inuu u tanaasulo maadaama ay dhibaato badan ka jirto meelo kala duwan.

Murashax ayuu u ahaa madaxweynaha Puntland balse Seddex cisho ka hor xilli doorasheedka ayuu ku dhawaaqay inuu tanaasulay Dr Eenoow.

Wasiir ayuu mar kasoo noqday Puntland Saadiq Eenoow waxaana uu sheegay in bad baadinta Dadka ku dhaqan gobollada Sool iyo sanaag uu utanaasulay.

Si gaar ah waxa uu Murashaxnimadiisa ugu tanaasulay Dr Cali Ciise Cabdi Oo ay Deegaan Ahaan kasoo wada jeedaan Dr eenoow,iyadoo Cali Ciise uu kaga mahad celiyey go’aanka Saadiq Qaatay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com