DHAGEYSO: Axmed Madoobe Oo Shirqool Ku Abaabulaya Magaalada Afmadoow Sirtiisana Qarin Waayey

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Mudane Axmed Islaam Madoobe ayaa waxa uu sheegay inay dhageysan doonaan Cabashada Bulshada ku dhaqan Degmada Afmadoow Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Madaxweynaha oo shalay gaaray Degmadaas waxaa la sheegay in ay la socdaan Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland,Maamulada Degmooyinka iyo qaar Gobollada Ku Magacaaban.

Waxa uu Axmed Madoobe sheegay inay Afmadoow maalmo sii joogi doonaan lana kulmayaan Maamulka Degmada iyo Qeybaha kala duwan Ee Bulshada.

Isagoo sidoo kale hoosta ka xariiqay in Duulaan ay ku yihiin Al Shabaabka kusugan Bu’aale oo Dhowr jiho ay ka weerarayaan,istaraatiijiyadii loo mari lahaa duulaankaasna La dejinayo inta ay Afmadoow kusugan yihiin.

Ciidamada Jubbaland ayaa dhawaan waxa la geliyey Heegan iyadoo meelaha qaar ay weerar ka bilaabeen lagu qabsanayo Deegaanada Shabaab ka joogaan Jubbada Dhexe.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com